Maanta oo ahayd ahayd maalin jumce ah taariikhduna kubeegnayd 26/05/2017 waxaa shirkoodii billaha ahaa isugu yimid maamulka iyo xubnaha urur hoosaadka UCSO laantiisa xerada Ifo ee deegaanka Dhadhaab

Shirkan oo ahaa mid siheer sare ah u abaabulan ayaa lagu furfuray akhrinta Qur’aanka kariimka ah oo lagu khatimay 114 ka Qur’aanka kadibna laguda galay qodobadii shirka loo ajandeeyay oo ahaa qadobo waxku ool ah muhiimad wayna uleh ururka iyo guud ahaan halganka,oo falanqayn dheer kadib lagasoosaaray go’aamo aad umuhiin ah

Kadib markii laga yool gaadhay doodii qodobada ayaa lagu xijiyay su’aalo diini ah oo lawaydiinayay culimada qayb kamid ah laguna kala faa’iidaysanayay inta badana kuwajahnaa bisha barakaysan ee Ramadaan oo ina soo foodsaartay
Waxaana ugudambaystii shirka lagusoo gunaanaday duco dheer oo meelo badan taabanaysa iyadoo xooga lagusaaray inlooduceeyo shacabka masaakiinta ah ee gumaysigu daashaday gaar ahaan maxaabiista kujirta jeelasha kala duwan ee cadawgu kuciqaabo shacabka dulman ee ree Ogadenia
Wuxuuna shirku kusoo dhamaaday jawi dagan

Abullahi Yare

ONA/ifo Dhadhaab

   

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay