Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo gaadhay dalka Qatar ayaa kulan gaar ah la qaatey Amiirka dalka Qatar  Sh. Tamiim Bin Xaamid Al-Thani.

 Madaxweynaha iyo amiirka Qatar ayaa ka wada hadley xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya, sidoo kale Amiirka dalka Qatar ayaa ballan qaadey taageero cusub oo lagu xoojinayo taageeradii horey ay u siin jirtey Soomaaliya.

Sheekh Tamiim ayaa ballan qaadey in ay Soomaaliya ka taageerayaan Amniga iyo dib u dhiska dalka, iyo weliba in ay Dowladda ka kabayaan Miisaaniyadda. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Amiirka Qatar sidii diiranayd ee loosoo dhaweeyay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay