Xukuumada Turkiga ayaa shaacisay in 300 askari oo ka tirsan ciidanka oo isugu jira tababarayaal iyo ciidamo si gaar ah u tababaran ay u soo dirayaan magaaladda Muqdisho bisha August ee sanadkan 2017.

Safiirka dowladda Turkiga u  jooga Magaaladda Muqdisho Olgan Bekar oo waraysi siiyay Jariida Daily sabax ee ka soo baxda Turkiga, ayaa sheegay in bisha september si rasmi ah loo furi doono saldhiga Militariga ee ay ka hirgaliyeen duleedka caasimadda Muqdisho, islamarkaana la bilaabi doono tababarrada lasiinayo ciidamadda Soomaaliya.

 Wuxuu sheegay in Turkigu doonayo in uu caawiyo dowladda Soomaaliyeed si ay dib ugu soo celiso awoodii dowladnimo iyo kala dambayntii iyo is xukunkii.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Turkigu waxay magaaladda muqdisho ka dhistay saldhigii ugu weynaa ee milateri oo meel ka baxsan Turkiga laga dhiso, waxaana la filayaa in lagu tababaro ilaa 3000 oo askari oo Soomaali ah , kuwas oo ka kala imaanaya dhammaan goboladda Dalka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay