Sida laga soo xiganayo warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaya in baadhitaanka ay waddo hay’adda dambi-baadhista Maraykanka ee FBI ee ku aadan Ruushka ayaa cagaha la galay Jared Kushner oo ah wiil uu sodog u yahay madaxweyne Trump isla markaasna lataliye sare ka ah Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka, sida ay ku warramayso warbaahinta Maraykanku.

Wararku waxay sheegayaan in baadheyaashu ay rumaysan yihiin in uu hayo macluumaad baadhitaanka ay wadaan, balse aan looga shakisnayn in uu dambi galay. Hay’adda FBI ayaa baadhaysa in Ruushku uu faragalin ku sameeyay doorashadii Maraykanka ee sanadkii hore ee 2016-kii iyo wax xidhiidh ah in uu dhex maray iyaga iyo ol’olihii Trump, madaxweynuhuse wuu diiday in uu wax xidhiidh ah la yeeshay Ruushka.

Qareenka Kushner ayaa sheegay in Jared uu gacan ka gaysan doono baadhitaan kaste oo la wado. Madaxweyne Trump ayaa xaaladdan ku tilmaamay in ay tahay “quraafaadkii ugu waynaa ee abid wajahda siyaasi marka laga hadlayo taariikhda Maraykanka.

Laamaha sirdoonka ee dalka Maraykanka ayaa rumaysan in Ruushku uu isku dayay in uu saamayn ku yeesho doorashada Maraykanka uuna gacan siiyo xisbiga Jamhuurig oo ka guulaystay Hillary Clinton oo u sharaxnayd xisbiga dimuqraadiga ah.

Saraakiil Maraykan ah oo aan magacooda la sheegin ayaa NBC News u sheegay in arrintan aysan ka dhignay in baadheyaashu ay dambi uga shakiyeen Kushner oo 36 jir ah ama ay doonayaan in ay dacwad ku soo oogaan. Arrin tan ka duwanna wargeyska Washington Post ayaa ku warramay in baadheyaashu ay diiradda saarayaan kulan uu sannadkii hore la yeeshay safiirkii Ruushka ee Maraykanka Sergei Kislyak.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay