Jaaliyada Ogadenya ee wadanka Norway ayaa waxay qabsadeen shirkoodii bilaha ahaa waxaana kasoo qayb galay xubnaha jaaliyada Ogadenya gaar ahaan faraca Oslo shirkan oo lagu fur furay aayado quraan ah iyo wacdi diini ah ayaa waxaa soo jeediyay sheekh Abdinaasir Adeec oo kamida xubnaha Jaaliyada Ogadenya ee wadanka Norway.

Shirka ayaa waxaa furay gudoomiyaha Jaaliyada Ogadenya wadanka Norway mudane Khaliif cabdi asagoo ka war bixin warbixin ku saab san jaaliyada Ogadenya norway iyo guud ahaan ba halganka Ogadenya ee ka socda gude iyo dibadba waxa kale oo ka hadlay qaar kamida maamulka jaaliyada.

Waxaa kale oo shirka lagu lafa guray hawlaha hor yaala jaaliyada ee loo baahan yahay in la qabto sida fastivalkii summerka xuskii sanad guurada jwxo ee inagu soo fooda le iyo barnaamijkii ramadaanka iyo agoonta Ogadenya dood iyo su’aalo badan kadib waxaa loo xilsaaray gudi ka kooban dhawr qof oo iskusoo duba rida hawsha.

Shirka ayaa wuxu gaba gabadii kuso dhamaaday si guul ah waxaana la isku afgartay in lasii laban laabo abaabulka iyo halganka gobonimo doon ee lagula jiro gumaysiga Itoobiya.

ONA/Oslo

   

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay