Wararka naga soo gaadhaya magaalada Goday ee xarunta Gobolka shabeelle ayaa in askari katirsanaa ciidamada wayaanaha uu maalin nimadii shalay qudha kaga jaray 10 ka mid ahaa ciidanka gumaysiga Itoobiya.

Sida xogta aan kuhelay askarigan oo katirsanaan jiray ciidanka cirka ee wayaanaha ayaa dhawaan loosoo badalay magaalada Goday isagoo lagu wargaliyay in uu lashaqayn doono ciidamada dhulka ee wayaanaha ee kahowl gala magaalada Goday.

Askarigan ayaa lasheegayaa in uu kabiyo diiday lashaqaynta ciidanka dhulka ee kahowl gala wadanka Ogadenia kuwaas oo sida ay ciidamadu aamin sanyihiin ay ku adkaan doonto noloshu, isla markaana ciidamada ayaa rumaysan in askarigii laganaaxayo uun loosoo badalo Ogadenia.

Warka ayaa intaas kudaraya in askarigu uu in mudo ah raadinayay ciidan uruursan oo uu hal mar dilo wuxuuna fursadaas helay maalin nimadii shalay, isagoo daqiiqad gudaheed dilay 10 askari tiro intaa kabadana dhaawacay.

Sidoo kale askarigan ayaa lasheegayaa in uu isdilay isla markii uu falka gaystayba, waxaana lasheegayaa in askarigii iyo ciidankii uu laayayba lagu aasay magaalada Goday ee xarunta Gobolka Shabeelle.

Falkan ayaa lasheegayaa in uu yimid kadib markii saraakiisha wayaanuhu ay amar dul dhigeen askariga ciidanka laayay waxaana lasheegayaa in dhowr jeer oo is xig xigta laganaaxay askariga dilka gaystay taas oo keentay in uu ugu dambays is dilo dadna laayo.

Kala shakiga iyo is aaminaad la’aanta ciidamada wayaanaha ayaa keentay in ay si joogta ah isu dilaan ciidanka gumaysigu, sidaan horaan idiinku soo gudbinayba ciidanka gumaysiga ayaa magaalada Qabridahare iskaga dilay saraakiil badan kadib dagaal labo qoomiyadood ah oo dhex maray.

Sidoo kale ciidanka wayaanaha ee kahowl gala xuduuda Itoobiya iyo Eritrea ayay ciidanka gumaysigu labo qoomiyadood isu laayeen halkaas oo ciidan badan ay iskaga dileen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay