Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Shawa ee dhulka Oromia ayaa sheegaya in ay ururka dhalinta Oromia bilaabeen banaan bax xoogan oo ay kaga soo horjeedaan ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo maamul kusheegay wayaanaha lashaqeeyay.

Sida warka aan kuhelayno ururka dhalin yarada Oromia QEEROO ayaa xidhay wadada isku xidha magaalada Ambo ee galbeedka Gobolka Shawa iyo magaalada Addis Ababa, halkaas oo sida lasheegayo wax gaadiid ah oo dhulkaas maraya aan la arag.

Warka ayaa intaas kudaraya in dhalinta kacdoonka bilowday ay gubeen gaadhi Booyad ah iyo bal lagu magacaabi jiray Golden Bus oo kashaqayn jiray magaalada Addis Ababa iyo Gobolka Shawa.

Dhalinta Oromia ee QEEROO ayaa wacad kumaray in ay siiwadi doonaan kacdoonka ay kaga soo horjeedaan taliska wayaanaha ilaa iyo inta laga helayo cadaalad isla markaana shacabka Oromia looga ogolaanayo aayo katashigooda.

Waxaa xusid mudan in todobaadkii tagay ay shacab cadhaysan Gobolka Axmaarada kugubeen 2 booyadood oo shidaal siday halkaas oo sida lasheegayo ay kubas beeleen booyadihii iyo wixii hanti saaraa, sidookale waxaa Gobolka Axmaarada qaybo kamid ah laga mamnuucay maritaanka gaadiidka.

Kacdoonka lagaga soo horjeedo taliska wayaanaha ayaa maalin kasta yeelanaya waji cusub wuxuuna haa gaadhay in gaadiid ay leedahay dowlad kusheegta wayaanuhu aysan marin dhamaan Gobolada iyo Dagmooyinka wadanka iyagoo aysan galbinaynin ciidanka wayaanuhu.

Sikastaba ha ahaatee waxaa xili gabagabo ah maraya soo afjaridii talada kooxda TPLF oo awoodi wayday in ay nidaamkeeda ku ekayso qaybaha kala duwan ee wadanka, waxaana maalinkasta uu dhumaya kalsoonidii lagu qabilahaa kooxda TPLF.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay