Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in guud ahaan Gobolka Xabashidu uu noqday meel aan latagi karin isla markaana uusan kajirin xukunka kooxda macangaga ah ee TPLF.

Sida xogta aan kuhelay waxaa guud ahaan dhulka Axmaarada uga socda dagaalo ay qaadayaan ciidanka Jabhada Gimbot 7 iyo mudaharaado ay ay wadaan shacabka qoomiyada Axmaarada ee ciilku dilooday.

Dhinaca kale waxaa si aan kala go’o lahayn Gobolka Axmaarada uga socda weeraro kala duwan oo ay qaadayaan beeralayda Axmaarada oo isticmaalaya farsamooyin isugu jira qaraxyo, dhafoorin iyo weeraro ay si cad ugu qaadayaan goobaha ay cadawgu isugu yimaadaan.

Kooxda TPLF oo kajawaabaysa talaabooyinka ay qaadeen shacabka Axmaarada ayaa lasheegayaa in ay dhibaatooyin kala duwan oo aar goosi ah ugaysteen shacabka Axmaarada oo aad moodo in ay colaadoodu gaadhay meel aan waxba laga qaban karin.

Sida intiinii lasocotay aan siidaynay waxaa magaalada Maqale ee Gobolka Tigrey xidhay, jidh-dil iyo ganaax loogu gaystay koox ciyaar tooy ah oo udhalatay qoomiyada Axmaarada iyo taageerayaashoodii.

Dhibaatada ciyaartooyda loogaystay ayaa timid kadib markuu dagaal dhex maray koox kasocotay qoomiyada Tigreega iyo kooxda Axmaarada taas oo keentay in ay ciidanka wayaanuhu taageeraan kooxda magaaladoodii joogta ee Tigreega.

Kooxda TPLF oo qabyaaladoodu ay banaanka taalo ayaa kooxdii kasocotay Gobolka Axmaarada dul dhagtay ganaax dhan 400 oo kun oo bir, taas oo qoomiyadaha kale iyo aqoon yahanku ay u arkeen dulmi aan geed loogu soogabanin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay