Sida intiinii lasocotayba aan idiin sootabinay waxaa maalmihii lasoo dhaafay Gobolka Oromia kasocday mudaharaadyo waawayn oo ay shacabka Oromia kaga soo horjeedaan gumaysiga uu wakhtigiisu dheeraaday ee dul saaran shacabka Oromia.

Kacdoonkan horta leh ayaa lasheegayaa in uu kabilowday magaalada Anbo ee galbeedka Gobolka Shawa ee dhulka Oromia isla markaana uu kufiday dhul baaxad leh oo kamid ah wadanka gacanta gumaysiga kujira ee Oromia.

Shacabka kacdoonka wada ayaa lagu soo waramayaa in ay kala jareen magaalooyinka waawayn ee dhulka Oromia iyo magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya, halkaas oo lasheegayo in uusan jirin wax gaadiid ah oo mara.

Shacabka qoomiyada Oromada ayaa umuuqda kuwo isku balan saday in ay gumaysiga kahoos baxaan waxaana banaan baxyadan ugu dambeeyay hor boodayay ururka dhalinta Oromada ee QEEROO looyaqaano iyo xumbo aqoon yahan ah oo wadanka laga yaqaano.

Dhinaca kale kooxda TPLF ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii ay udamin lahayd kacdoonada aan kala joogsiga lahayn ee kasocda qaybo badan oo wadanka kamid ah waxayna kooxdu adeegsanaysaa farsamooyin ay kujiraan lacago ay hogaanka qoomiyadaha ubalan qaadayaan iyo shaqooyin been ah oo ay ubalan qaadayaan dhalinta.

Dhinaca kale kooxda TPLF ayaa adeegsanaysa awood sheegasho wayn waxayna isku dayayaan in ay cabsi galiyaan kacdoon wadayaasha iyagoo adeegsanaya jidh-dil, xidhay iyo caga juglayn baahsan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay