Diyaaradaha dagaalka ee dalka Masar ayaa weerar ku qaadey Bariga dalka Libya, kadib markii koox hubeysan ay weerar ku qaadey bas ay la socdeen dad Kirishtaan ah waxaana ay dileen 28 kamid ah oo isugu jira caruur, haween iyo rag subaxnimadii Jimacada ahayd.

Ciidamada Gen. Khalifa Haftar ee ku sugan Bariga Liibiya ayaa ka qaybqaatey weerarka diyaaradaha Masar ay ka fuliyeen magaalada Derna oo ay ku sugan yihiin kooxo mayal adag oo taabacsan Daacish.

Diyaaradaha Masar ayaa weerarkooda la beegsaday saldhig ay kooxaha Mayalka adag ku lahaayeen Derna oo ay u adeegsan jireen tababarada Malayshiyaadka taabacsan .

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay