Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in ay saraakiisha wayaanaha Ogadenia wakiilka uga ah xilkii kula kala wareegeen.

Sida xogta aan kuhelay xaflad uu taliska wayaanuhu maalinnimadii shalay kuqabtay magaalada Jigjiga ayaa lasheegayaa in ay xilkii kula kala wareegeen Genaral Abraha Woldu oo ahaa shakhsiga maamula wadanka Ogadenia iyo Genaral Ma’asha oo noqon doona shakhsiga uu gumaysigu umagacaabay Ogadenia.

Wakiilka cusub ee Ogadenia gumaysiga umatali doona oo qoomiyada Tigreega udhashay ayaa sanadihii sagaashamaadkii kasoo shaqeeyay Ogadenia waxuuna Genaral Ma’asha caan kuyahay musuq maasuq iyo wax isdaba marin aan gabasho lahayn.

Dhinaca kale Genaral Abraha Woldu ayaa ah shakhsi aan loo darsan doonin oo gumaad lixaad leh kagaystay gayiga Ogadenia isla markaana uruursaday hanti aad ubadan oo ay lahaayeen shacabka mudada dheer lagumaysanayay ee Soomaalida Ogadenia.

Dadka siyaasada gumaysiga Itoobiya udhuun duleela ayaa sheegaya in ay arintu tahay kud kaguur oo qanje uguur, waxayna xeel dheerayaashu sheegayaan in shakhsiga labadalay iyo midka lagu badalayba ay leeyihiin taariikh madoow oo dhul iyo hanti boob ah.

Dad xog ogaal ah ayaa sheegaya Genaral Ma’aasha iyo walaalkii in ay yihii shakhsiyaadka ugu hantida badan guud ahaan wadanka Itoobiya, waxayna intaas kudarayaan in hantidan lasameeyay xiligii uu Ma’asha katalin jiray wadanka Ogadenia.

Dhinaca kale dadkan xog ogaalka ah ayaa sheegaya in uu Genaral Abraha Woldu kataajiray lacago aad ubadan oo ay siin jireen maamulada kajira Soomalia iyo waliba dabaqoodhiga Jigjiga kusugan

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay