Waxaa sii kordheysa tiradda dadka ku dhintay dagaalka ka socda magaalada Marawi ee koonfurta dalka Filibiin. Deegaankaasi oo ay qabsatay koox taageersan maleeshiyada Daacish.

Madaxweynaha dalka Filibiin Duterte ayaa todobaadkii hore xaalad deg deg ah kusoo rogay jasiirada Mindanao oo ah halka ay ku taalo magaalada Marawi, waxaana deegaankaasi loo diray ciidamo dheeraad ah.

 Maleeshiyaadka magaalada qabsaday ayaa wadooyinka Marawi dagaal fool ka fool ah kula jiray militariga, waxaana la sheegay in tirada dagaalka ku dhimatay ay gaareyso 100 qof oo ay ku jiraan shacab, maleeshiyaad iyo askar. Magaalada ayey isaga qaxeen dadka halkaasi degenaa oo u badan muslimiin, xili ay soo gashay bisha barakeysan ee Ramadaan.
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay