Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar), Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada dardargelinta shuruucda dalka bacdamaa ay Dawladan tahay tii Sharciga iyo Shacabka, shacabkana ay naga sugayaan waxqabad dhan walba ah.
Golaha ayaa dhageystay warbixino ku aadan shuruucda ay gacanta ku hayaan wasaaradaha qaar si loogu sii diyaar garoobo oo Golaha Wasiirada ay u ansixiyaan ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka. Wasiirada ayaa sheegay in shuruucda ay diyaariyeen, qaarna ay weli wadaan wadatashi, iyadoo la isku raacay in shuruuc ka badan 20 ay diyaar yihiin, Hindise Sharciyeedyadaas oo ay ka mid yihiin;

Isgaarsiinta
La Dagaalanka Musuqmaasuqa
La-Dagaalanka Argagaxisada
Runta & Dib u Heshiisiinta
Dawladaha Hoose
Dambiyada Kufsiga
Muwaadinimada
Dadka Baahiyaha Gaarka qaba
Kalluumeysiga & Kheyraadka Bada
Badda
Kheyraadka Biyaha
Tamarta
Maareynta Maaliyada
Istaatiistikada
Xeerka Saxaafada
Waxbarashada
Nidaamka Hay’adaha Samafalka
Sharciga Beeraha
Gudiga Muftida Culumada

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay