Angela Merkel, Haweenayda Hogaamisa dalka Germany ayaa sheegtay in la gaadhay xiligii ay isku tashan lahayd qaarada Yurub, kadib shirkii G7 ee kusoo dhamaaday fashilka. Merkel ayaa ku tilmaamtay shirkii Jimcihii iyo Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay jasiirada Sicily ee dalka Talyaaniga, uu ahaa mid digniin u ah dalalka Midowga Yurub.

 Shirkaasi ayaa ku dhamaaday fashil kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu diiday inuu saxiixo heshiisyadii hore ee ku saabsanaa illaalinta deegaanka iyo ganacsiga furan ee ka dhaxeeya dalalka horumaray, isagoona sheegay inuu u baahan yahay wakhti dheer oo uu kasoo fikiro.

Angela Merkel ayaa sheegtay in dalalka Midowga Yurub ay arrintan cashir u tahay isla markaana loo baahan yahay wadamada Midowga Yurub inaysan ku tashan taageerada Maraykanka iyo dalka UK ee isaga baxay EU-da, balse loo baahan yahay inay sameystaan qorshe u gaar ah oo ay ku difaacanayaan mustaqbalkooda.

Angela Merkel oo la hadlaysay taageerayasheeda oo Axadii isugu soo baxay magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa sheegtay in ay wax badan kasoo kororsatay shirkii dalalka G7 ee Sabtidii lasoo gabagabeeyay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay