Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ONA uga soowarama wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in wadanka Itoobiya lagu yeeshay dayntii abid ugu badnayd ee lagu yeesho wadanka kuyaala qaarada Africa, taas oo lagu sheegay malaayiin doller.

Sida uu wariyuhu sheegayo taliska wayaanaha ayaa wadanka Chana ka qaaday lacag aad ubadan oo dayn ahaan uu uga qaaday waxaana lasheegayaa in lacagtan lagu yeeshay wadanka Itoobiya ay 10 jeer kabadan tahay tii lagu yeeshay kaligii taliye Mingistu Hailemariam oo dayn aad ubadan kagalay wadanka Ruashka.

Dhaqaale yahano kusugan magaaada Addis Ababa ayaa sheegaya in lacagtan sidaas ubadan aysan galin wadanka taas oo sida ay dhaqaale yahanadu sheegeen lagu qaban kari lahaa mashaariic aad uwaawayn oo dadka Itoobiyaanka ah ay ka faa’iidi lahaayee.

Xeel dheere yaasha dhinaca dhaqaalaha ayaa sheegaya in ay lacagtanu gashay jeebabka shakhsiyaad kooban, waxayna xeel dheerayaashu sheegayaan in wadanku maalin uu kasaboolsan yahay uusan soomarin lacagtaas lasheegayana wadanka ayna soogalin.

Dhinaca kale siyaasiyiinta kusugan wadanka dibadiisa iyo gudihiisa ayaa sheegay in taliska wayaanuhu uu lacagahaas u isticmaalay dacaayado been ah iyo arimo gaar ah, siyaasiyiinta ayaa sheegaya in malaayiin doler ay xukuumadu kubixisay ladagaalanka warbaahinta madaxa banaan iyo sidii ay tashuush ugu furi lahaayee, lacagahaas oo sida lasheegay ay siiyaan shirkado laga leeyahay wadanka Chana.

Sidoo kale siyaasiyiinta ayaa sheegaya in lacagan daynta ah aan labixin karin qarniyada soosocda, waxayna siyaasiyiintu carab baabeen in dowlada Chana aysan wadanka wax faa’iido ah ulahayn.

Siyaasiyiinta iyo aqoon yahanka ayaa isku waafaqay in dowlada Chana ay rabto in ay lawareegto guud ahaan wadanka Itoobiya kadib markay iska bixin waayaan daynta waxayna lacagta wadanka Itoobiya lagu leeyahay suurta gal kadhigaysaa in wadanka lalawareego.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay