Sida ay tabinayaan wakaaladaha wararka ee caalamiga ah ayaa sheegaya in tirada dhimashada dadka u dhintay cudurka daacuun caloolaha ama shuban biyoodka ee ka dilaacay wadanka Yemen ay kor u kacday iyada oo ay gaadhay in ka badan 470 qof.

Hay’adda caafimaadka aduunka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO waxay sheegtay inay jirto hoos u dhac wayn oo la xidhiidha celceliska xaaladdaha cusub ee cudurka ee la soo wariyey.

Saameynta dagaalka sokeeye ee dalka Yemen kasocda ayaa ka dhigay mid aad u adag in la xakameeyo cudurka faafitaankiisa, in ka badan kala badh adeegyadii caafimaad ee dalka ayaa hawlgab noqday tan iyo intii uu socday dagaalka Sokeeye, iyadoo malaayiin qof ay la diifaysan yihiin ayna u nugul yihiin cudurka iyadoo xisaabta ay ku jirto cunto yarida aadka u ba’an ee ku habsatay guud ahaan dalka Yemen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay