Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in colaadda iyo dagaallada Soomaaliya looga gudbi karo dib u heshiisiin dhab ah hadii lahelo.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey magaalada Cadaado oo lagu caleemo saareyey madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Munaasabadan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliin kala duwan oo kamid ah dawlada Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayuu Mudane Farmaajo ka jeediyay khudbad aad u qiimo badan.

Madaxwayne Farmaajo oo taageero badan ka haysata shacabka Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida ay lagama maarmaan u tahay in lahelo dib u heshiisiin tayo leh oo lagu gaadhi karo nidaam u horseeda qaranka soomaaliyeed cadaalad iyo nabadgaliyo. Madaxwaynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dawladiisa lagu garab istaago sidii ay looga midho dhalin lahaa qorsheyaasha qaran ee maamulkiisa u dajisan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay