Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddi iyo khubaro u saaray  inay soo qiimeeyaan Xaaladaha nololeed iyo tiro koobka guud ee maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.

War-murtiyeed uu ku saxiixnaa la taliyaha Madaxweynaha ee dhanka arimaha Sharciga Prof. Abukar Xasan Axmed ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu ka welwelsan yahay xallada Maxaabiista xukunsan iyo garsugayaasha ku xidhan Jeelka Dhexe ee magaalada Muqdisho..

 “Madaxweynuhu wuxuu u xilsaaray guddiga khubaro ah in ay qiimeeyaan kuna sameeyaan tirakoob, islamarkaana ka soo warbixiyaan xaaladda maxaabiista ku jirta Xabsiga dhex ee Muqdisho, Maxaabiista ku xidhan Xarumaha baadhista, warbixinna ay madaxweynaha ka soo siiyaan” ayuu yiir lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha sharciga.
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay