Agaasimihii Warfaafinta u qaabilsanaa Aqalka Cad eelooga arimiyo dalka Mareykanka, Mike Dubke, ayaa xilkii iska casilay saddex bilood kaddib markii jagadaasi loo magacaabay.

Mr. Dubke oo ah khabiir xisbiga Jamhuuriga u qaabilsanaan jiray dhanka qorsheynta ayaa saddex bilood ka hor xilkaasi loo magacaabay si uu u dardar galiyo qaybta warfaafinta ee Aqalka Cad ee Maraykanka. Xoghayaha qaybta warfaafinta ee Aqalka Cad, Sean Spicer, ayaa lagu soo waramayaa in uu xilkaasi sii hayn doono balse layareyn doono shirarka jaraa’id ee lagu qabto Aqalka Cad.

Iscasilaada Mike Dubke ayaa ku soo beegmaysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in jahawareer xoogan uu ka dhex jiro kooxda Aqalka Cad u qaabilsan dhanka warfaafinta. Mr. Dubke ayaa istiqaaladiisa soo gudbiyay 18-kii bishan balse waxaa laga codsaday in uu xilka sii hayo tan iyo inta madaxweyne Trump uu ka soo afjarayo booqashadii uu ku marayay Bariga Dhexe iyo Qaarada Yurub.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay