Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya saraakiil katirsan katirsan ciidanka wayaanaha oo lagu khaarajiyay Gobolka ay kacdoonadu hadheeyeen ee Axmaarada.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Jabhada Gimbot 7 dagaal yahanada Jabhada ayaa habeenimadii Xalay khaarajiyay sargaal katirsanaa ciidanka sirdoonka wayaanaha oo magiciisa lagu sheegay Abraham Tabaje, siday bayaanka lagu sheegay saraakiisha jabhada Gimbot 7 ayaa falkan qorsheeyay kadib markii dadka deegaanku ay cabasho aad ubadan soo gaadhsiiyeen taas oo lagaga cabanayo sargaalkan sirdoonka wayaanaha katirsanaa.

Warkan qoraalka ah ee kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Jabhada Gimbot 7 ayaa lagu sheegay in dagaalyahanada jabhadu ay falkan kafuliyeen Dagmada Denbiya oo katirsan Gobolka Axmaarada.

Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada waxaa fal qorshaysan lagu dilay sargaal katirsanaa ciidanka dharcada ah ee wayaanaha kaas oo sida lasheegay ay khaarajiyeen kooxo dablay ah oo deegaanka udhashay.

Saraakiishan ciidanka wayaanaha katirsanaa ee lagu khaarajiyay Gobolka Axmaarada ayaa lasheegay in ay ahaayeen niman nafta ukeenay shacabka Axmaarada, sida xogta aan kuhelayno labadan sargaal ayaa qaba dad aad ubadan oo ay dileen iyo waliba qaar kale oo jidh dil ba’an ay ugaysteen.

Dhinaca kale ciidamada gumaysiga ee kusugan deegaanada saraakiisha lagu laayay ayaa lasheegayaa in ay xabsiyada kabuuxiyeen boqolaal shacab ah, waxaana lasheegayaa in ay jiraan dad aad ubadan oo loogaystay jidh dil aad ubadan.

Sikastaba ha ahaatee kacdoonka shacabka ee kasocda Gobolka Axmaarada ayaa asheegayaa in uu hada isu badalay dhafoorin iyo gulufyo dagaal oo lagu wiiqay ciidanka wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay