Wasiirka Warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa bartiisa Twitterka ku qorey warkan. Wasiirka ayaa sheegay in Bishaar Muumin Faarax oo ahaa taliyaha al-Shabaab ee gobolka Mudug uu ku jiro gacanta Dowladda.

Wararku waxay sheegayaan in Bishaar Muumin uu ahaa taliyaha al-Shabaab ee deegaanka Xarardheere halka warar kale sheegayaan in uu ka hawlgali jirey isla gobolka Hiiraan. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab uu isku soo dhiibay ciidamada dawladda ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in sarkaalka isa soo dhiibay uu Al-Shabaab uga hawlgeli jiray gobolka Mudug.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay