Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa shir jara’id ku qabtay xarunta Wasaarada, wuxuuna uga hadlay horumarka ay Wasaaraddu samaysay 60-kii casho ee u danbaysay sida: kordhinta dakhliga, qaadashada mushaaro joogta ah, isbadalo lagu sameeyey shaqaalaha ka howl gala Dekeda iyo garoonka iyo horumarka dowladu ay ka samaysay cafinta daymaha dalka lagu leeyahay.

Wasiirka ayaa ugu horayn sheegay in mudadii uu joogay xafiiska wax badan uu ka qabtay kordhinta dakhliga taas oo sabab u ahayd isbadal balaadhan oo lagu sameeyay shaqaalaha ka howl gala dekedda iyo garoonka Adern Cade, Sidoo kael Wasiirka ayaa sheegay in dowladan cusub dadaal weyn ugu jirto in ay ku tirsanaato dakhliga ka soo xarooda gudaha, meeshana laga saaro ku tiirsanaashaha dhanka beesha caalamka,

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa yiri “Waxaan meesha ka saarnay lacagtii gunooyinka ahaa oo intii kiishka lagu qaato dadka loo qaybin jiray, taas oo aan ka mid ahayn nidaamka isla xisaabtanka iyo hufnaanta, qof walba oo dowlada lacag ka qaata waxaan u samayn Bangi Xisaabeed ay lacagtiisu ku dhacdo”

Dhanka kale Wasiir ayaa sheegay in deyntii lagu lahaa Soomaaliya ay meel fiican marayso dowladuna la tacaalayso sidii ay u fulin lahayd shuruudaha nalagu xidhay cafinteed “ Lacagaha deynta ah oo nalgu leeyahay waxaa cafinteeda nagala shaqeynaya IMF-ta, waxaan naloo jeexay khad aan ku soconayno mudo sanad ah si aan u gaadhno cafinta daynta, waxaana khadkaas ka mid ah inaan kordhino dakhligeena iskana bixino mushaaradka iyo daymaha kale ee shirkaduhu nagu yeeshaan”

Ugu danbaynti Wasiirka yaa sheegay in Bangiga Aduunku ugu deeqay Soomaaliya lacag gaaraysa 50 milyan oo lagula tacaalayo abaaraha dalka ka dhacay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay