Wararka Wakaalada Wararka Ogadenya (ONA) soo gaadhaya ayaa sheegaya in ugu yaraan 80 qof ay ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay caasimadda wadanka Afqaanistaan ee Kabul. Qaraxan oo dhacay saaka aroornimadii ayaa loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Warkan ayaa sheegaya in qiyaastii 350 qof ay sidoo kale ku dhaawacantay weerarkaasi. Qaraxan ayaa ka dhacay goob aad loo ilaaliyo oo ay ku yaalaan safaarado shisheeye. Dhismaha safaaradda dalka Faransiiska ayuu qaraxaasi waxyeello soo gaarsiiyay.

Ilaa iyo haatan ma cadda cidda rasmiyan ka dambeysay weerarkaasi, balse dagaal yahanka Taliban iyo kooxda la baxay Dowladda Islaamka ayaa labaduba kal hore weerarro ka geystay magaaladaasi. Bishii la soo dhaafay ayay Taliban waxay ku dhawaaqday in xilliga gu’ga ay billaabeyso guluf colaadeed oo cusub, kaa oo lagu bartilmaameedsan doono xoogagga ajaaniibta.

Kooxda la baxday Dowladda Islaamka ayaa sidoo kale kal hore weerar ka geysatay qaybo ka mid ah magaalda Kabul. Dhanka kale Taliban ayaa sheegtay inaysan ku lug lahayn qaraxaasi oo aan wali caddeyn qaabka lagu geliyay gaadhiga qaraxa gaystay goobtaasi oo si aad ah loo ilaaliyo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay