War deg deg ah oo hada nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in guud ahaan la jaray khadkii Internet-ka ee wadanka gumaysiga Itoobiya, sida xogtu ay muujinayso waxaa maalin nimadii maanta oo Arbaco ahayd la gooyay dhamaan khadkii isgaadhsiinta ee Internet-ka.

Warka ayaa intaas kudaraya in amarka khadka lagu jaray uu kasoo baxay taliska ciidamada wayaanaha gaar ahaan kuwa loo yaqaano ciidanka ladagaalanka kacdoon wadayaasha oo sida laxaqiijinayo talada wadanku ay gacantooda isugu timid.

Amarkan kasoo baxay ciidanka wayaanaha ee khadka lagu jaray ayaa yimid kadib markay xakamayn waayeen kacdoonadii shacabka iyo xogta dhabta ah ee sida sahlan dibada ugu baxaysa taas oo lug ay ladhaqaajin waayeen.

Taliska wayaanaha ayaa aaminsan in aqabada ugu wayn ee hortaala ay tahay isgaadhsiinta oo sida ay aaminsan yihiin qayb wayn ka ah kacdoonka ladamin la’yahay ee mudada dheer wadanka kajira, wuxuuna talisku isku taxalujiyay marar badan in uu isgaadhsiinta jaro ama xanibo.

Horaantii sanadkan ayay ahayd markii kooxda TPLF tu ay jartay dhamaan isgaadhsiinta looyaqaano baraha bulshada sida, Facebook, Twiter, Youtube, Whatsapp iyo Viber, waxayna sidoo kale kooxdu aad u adkaysay wicitaankii khadka dibada ee Talafoonada caadiga ah.

Ladagaalanka isgaadhsiinta ee taliska wayaanaha ayaa lagu macneeyay sicir bararka siyaasadeed ee wadanka hadheeyay iyo guud ahaan khal khalka iyo kala shakiga kajira laamaha kala duwan ee xukuumada wayaanaha.

Wixii kasoo kordha kala soco Ogadennet.com.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay