Wararka naga soo gaadhaya xuduuda Sudan iyo Itoobiya ayaa sheegaya in lagaal laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu kadhacay xuduuda wadanka Gumaysiga Itoobiya iyo wadanka Sudan.

Sida xogta aan kuhelayno dagaalka ayaa dhacay kadib markay ciidamo isgarab sanaya oo Sudan iyo Itoobiya ay leeyihiin ay howlgal shacabka kadhan ah kasameeyeen deegaano kuteedsan xuduuda labada wadan.

Warka ayaa intaas kudaraya in dadka beeralayda ah ee xabashidu ay jidhka ugaleen ciidamada labada wadan oo wada socda halkaas oo dagaal socday mudo 25 daqiiqo ah ciidamada isgarabsanayay lagaga dilay 5 askari oo Tigrey ah iyo 2 ciidanka Sudan ah, sidoo kale ciidanka huwanta ah ayaa lasheegayaa in laga dhaawacay 8 askari.

Howlgalkan ay sida wada jirka ah uqaadeen ciidamada Sudan iyo Itoobiya ayaa lasheegayaa in lagu xaqiijinayay dhul ay kooxda TPLF tu kuwareejinayso wadanka Sudan kaas oo ay leedahay qoomiyada Axmaaradu.

Dadka beeralayda ah ee Axmaarada ayaa lasheegayaa in ay siwayn uga soo horjeedsadeen dhulka ay iyagu leeyihiin ee laga iibiyay wadanka dariska ah ee Sudan, waxayna wacad kumareen in taako ay leeyihiin ayna qaadan doonin dowlada Sudan.

Jabhada Gimbot 7 ee kadagaalanta Gobolka Axmaarada ayaa dhankeeda gaashaanka kudhufatay heshiiska ay labada xukuumadood waa Sudan iyo Itoobiya e wada galeen, waxayna jabhadu sheegtay in ay fashilin doonaan barnaamijkaas iyagoo shacabkooda kaashanaya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay