Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ONA uga faaloodda dhinaca siyaasada ayaa sheegaya in ay 11 urur oo xuquuqda aadamaha udooda Qaramada Midoobay (QM) ugudbiyeen dacwad kadhan ah xukuumada wayaanaha.

Sida warka aan kuhelay 11ka urur ee xuquuqda aadamaha udooda ayaa dacwadooda kusoo aadiyay kalfadhiga QM ee magaalada Geneva ka qabsoomi doona todobaadka soosocda hadii Alle idmo. Kalafadhiga 35aad ee QM oo qabsoomi doona 5 ilaa 22 bishan aan kujiro ayaa larajaynayaa in siwayn loogaga hadli doono xaaladaha xuquuqul insaanka ee wadanka Itoobiya iyo dhaqanka qalafsan ee taliska wayaanaha.

Ururada xuquuqul insaanka udhaq dhaqaaqa ee dacwada gudbiyay ayaa sida lasheegayo geeyay cadaymo kusaabsan tacadiyada kala duwan ee ciidamada wayaanuhu ugaystaan shacabka kuhoos nool taliska wayaanaha.

Ururadan oo ah kuwo caalami ah waxaa kadhex muuqda Human Riths Warch iyo Amnest Internationaal waxayna dowladaha QM siwayn uga codsadeen in wax laga qabto arimaha xuquuqul insaanka ee wadanka Itoobiya.

Sidoo kale ururada ayaa kooxda TPLF ku eedeeyay sharciga ay baal mareen iyo shuruucda argagixiso ladagaalanka ee ay soo mal maluuqdeen kuwaas oo lagu iqaabay shacab fara badan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay