Madaxweyne Trump ayaa caddeeyey in Maraykanku ka baxayo heshiiskii Paris ee la dagaalanka isbedelka cimilada aduunka. Trump ayaa go’aankan ku dhawaaqay isagoo taagan kaabadda Aqalka Cad ayaa Trump, oo la hadlayey warbaahinta, wuxuu sheegay in Maraykanku uga baxayo heshiiskaa culayska dhaqaale ee uu dalkiisa saarayo awgii.

Trump ayaa sheegay inuu yahay tusaalihii u dambeeyey ee muujinaya in Washington gasho heshiisyo dalalka kale faa’iido u leh laakiin uu diyaar u yahay heshiis kale oo xeerarkiisu u cadaalad falayaan Maraykanka.

Madaxweynihii hore, Barack Obama, oo heshiiskan wada xaajood ka galay markii dambena saxeexay ayaa sheegay waxa maamulka Trump diidanyahay in uu yahay mustaqbalka fiican ee dalka Maraykanka.

Obama waxa kale oo uu sheegay in uu ku kalsoonyahay in gobollada, magaalooyinka iyo shirkadaha Maraykanku ay dadaalkooda dardar gelin doonaan oo ay hogaan u noqon doonaan qorshaha la doonayo in lagu badbaadiyo dunida.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay