Ciidamada xasilinta caasimada Muqdisho ayaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir howlgal ay ka sameeyeen, waxay ku qabteen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab ka tirsan.

Howlgalkan oo ahaa mid saacado badan qaatay ayay ciidamada guryaha qaar ku baarmdhayeen, waxaana u suuragalay inay qabtaan sarkaal aan magaciisa la sheegin oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiisha ammaanka Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in howlgaladii u dambeeyay ee laga sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho lagu soo qabtay dad ka dambeeyay falal amni daro ah oo magaalada ka dhacayay habeenadii lasoo dhaafay.

Howl-galada amniga lagu xaqiijinayo ayaa waxaa uu muddooyinkan ka socday magaalada Muqdisho oo dhan, kaasoo dhowr nooc isugu jiray, waxaa qeyb ka ahaa howlgal hub ka dhigis ah, kaasoo rag badan oo hub heystay hubka laga qaaday.

Inkastoo saraakiisha ciidamada dowladda sheegeen in ay qabteen sarkaal ka tirsan Al-shabaab, haddana ma aysan sheegin magaciisa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay