Dhalinyarnimadu waa xilli ka mid ah heerarka cimriga aadamuhu maro waxayna leedahay tamar aad u badan oo inta badan khibrad yari dhanka nolosha ahi weheliso si looga faa‘ideysto awooda dhalinyaradda waxa khasab noqotey in la buuxiyo khibrad yaraanta dhanka cimriga ka timid ee haysata in badan oo ka mid ah dhalinyarta, saas darteed dowladdaha dadkooda u adeega waxay kharash badan ku bixiyaan horumarinta caqliyada dhalinyaradooda halka dowlad u ekayaasha qudhooduna ay sheegtaan inay fulinayaan barnaamijyo lagu horumarinayo caqliyada dhalinyartooda.

Uma qalin qaadan ka warranka dhalinyarada ay dowladdaha iyo dowlad u ekayaashu ka shaqeyaan horumarintooda balse waxaan ka warramayaa dhalinyar ka duwan labadaas kooxood oo halka dhalinyarta aduunyadda maskaxhooda laga dhiso iyaga gumeyste ka shaqeeyo siduu u dili lahaa Maskaxhooda.

Dhalinyarta aan ka warrami doona waa kuwo intooda badan xilliyadii caruurnimadooda ay soo gaadheen falal maskaxdooda qoon ama nabar ku sameynaya goob joogna u ahaa falalkaas oo gumeystuhu kula kacayay waalidintood ama eheladooda.
Waxaa mudan inaynu isweydiino maxaa laga filayaa madal ay ku kulmeen dhalinyar ka sakow dal dalooloyinka dhalinyarnimo ay dowladi u dhisantahay baabi’inta caqliyadooda? saw ma’aha dib udhacsanaan iyo moraal xumo laysku yimaado.

Haddaba waxaan hayaa dhalinyar tiirkaas jabisey habacsanaanta, caajiska, dib u dhacsanaanta iyo niyad xumaduba xaaran ka tahay taas beddelkeedan ku dhaqaaqa heer tamar sareysay iyo dareen waddaniyadeed oo qoto dheer.
Hadiiba aanad goor horeba garan waxaad isweydiineysa waayo dhalinyartaasi waa Ogaden Youth Students and Union (OYSU).

Sida runtu tahay ciduu Alle tuseyna arki karto OYSU waa dhalinyaro ku hubeysan waddaniyad badhax tiran kana xor ah qabyaalada asqeysay qeybo badan oo Soomaali ah, OYSU waa dhalinyaro soo agaasinta madalo iyo barnaamijyo aan odhan karo intooda wey ka weyn yahiin OYSU waa dhalinyar madalahooda uu ka muuqdo dareen Soomaalinimo.
Ficillada wanaagsan ee OYSU fooladka ku yahiin waxaan usoo qaadan doona midh midh intaan ka gaadho hadii Alle yidhaado. Aan ku bilaabo OYSU waxay ka dhasheen dalka iyo dadka Soomaalida Ogadeniya sida runtu tahayna bulshada Soomaaliyeed ee kale waxay gabood fal iyo falal xunuun badan kula kaceen deegankooda ama Ogadeniya. Intaanan u gudbin ujeedka qoddobkan hadii aad weydiin ka qabto ama leedahay maamula kula kacay waxay weydiintu noqoneysa dareenka shacabka oo toos u diidan ma la arkey arrimahaas waa maya inta ogaalkayaga ah.

Aan u gudbo ujeedka aan qoddobkan usoo qaataye maxaad ka filan lahayd dhalinyaro qadiyadey u nisbo sheeganayeen aad la dagaalantey ama magacii Soomaaliya lagula dagaalamay sow ma ahayn sida logic yahay inay fogeeeyan Calankii lagula dagaalamay?,

Hadaba OYSU waa dhalinyaro taas beeneysay kaantaroosheyna caadifada iyo tamarta dhalinyarnimo taas beddelkeedana OYSU waxay yeeshen dareen siyaasi ah kaas oo ku foogan gumeystaha arrimahaas sababta u ah si kasta oo loo tuuryeyna may dhaafin tiirka Soomaalinimo waxayna qeyba lixaad leh ka yahiin baraaruga dhalinyarta Soomoaliyeed.
Maddalaha OYSU waa madalaha u badan ee dhalinyaro qabsato ee u ka muuqdo Calanka Buluuga ahi qoddobkaas wuxuu khuseeya sida duruufaha Geeska Afrika ayna uga kaxeynin Soomaalinimada ee ay unoqdeen tiirka ay dhalinyarta Soomaaliyeed ku taagantahay, qeybta koobad ee layaab yada OYSU halkaas ayaan ku joojinayaa Insha Allaha qeybaha danbe ayaan kusii wadi doona.
W/Q Barkhad Ibrahim
Email jaalle4133@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.