Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Eritrea ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatku ay ka codsadeen in Dawladda Eritrea ay xidhiidhka diblomaasiyadeed ah u jarto dalka Qatar.

Warsaxaafdeedka ayaa lagu sheegay in dawladda Eritrea ay gabi ahaanba arrintaasi ay diidday. Eritrea ayaa sheegtay in shacabka Qatar ay wadaagaan xidhiidh wanaagsan, isla markaana aysan suurtagal ahayn in codsiga dalalkaasi awgii ay xidhiidhka u jaraan.

Warsaxaafdeedka Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Eritrea ayaa sheegay in madaxweynaha Eritrea uu ku baaqay in waanwaan lagu dhameeyo xiisadda u dhaxaysa Qatar iyo Dalalka ay is khilaafsanyihiin ee Imaaraadka, Masar, Sacuudiga iyo Bahrain oo xidhiidhkii u jaray dalka Qadar.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay