Wasaaradda Cadaaladda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku wareejisay Ra’isul Wasaare k/xigeenka dalka hindise sharciyeedka ku saabsan la dagaalanka musuq-maasuqa, kaasi oo la qorsheeyay in la horgeeyo gollaha xukuumadda maanta oo Khamiis ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa u mahadceliyay madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada Cadaalada, maadaama ay wakhti badan galiyeen sidii loo dhameystiri lahaa sharciga la dagaalanka Musuq maausaqa oo baahi badan loo qabo inuu shaqeeyo.

sidoo kalena waxuu tilmaamey iney turjumeen sharcigii hore ee Musuq maasuqa kasoo lagu dhaqmi jirey 1968-kii oo ku qornaa luuqada Talyaaniga.

Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq maasuqa ayaa maanta shirka Golaha Wasiirada loogu qeybinayaa si ay uga doodaan, hadii ay ansixiyaan waxaa la horgeen doonaa Baarlamaanka Soomaaliya.Wuxuuna ka mid noqon doonaa sharciyada ay ku dhaqanto dowlada Soomaaliya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay