Kooxda qowlaysatada ah ee TPLF ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya kuqabatay shir ay dadka siyaasada Itoobiya lasocda aad ulayaabeen isla markaana lidi ku ahaa kooxda TPLF iyo guud ahaan taliska wayaanaha ee ka arimiya wadanka gumaysiga Itoobiya.

Shirkan ay kooxdu soo qaban qaabisay ayaa inta badan lagaga hadlayay waxyaabaha wanaaga lagu gaadhi karo iyo arimaha fashilin kara maamulada jira, waxayna kooxdu si aan caadi ahayn uweerareen dhaqankoodii qalafka iyo qalooca badnaa ee ay mudada dheer kusoo maamuli jireen wadanka gumaysiga Itoobiya.

Abay Sahay oo ahaa gudoomiyihii hore ee TPLF isla markaana kamid ah aas’aasayaashii ururka TPLF laguna sheego shakhsiga ugu awooda badan kooxda TPLF iyo guud ahaan maamulka wayaanaha ayaa kulankan kasoo jeediyay khudbad umuuqatay in laga kor hadlayo oo ahayd maroodigu takarta saaran ma arkee kakale takarta saaran ayuu arkaa.

Abay Sahay ayaa kasoo sheekeeyay taariikhda qaar kamid ah wadamo uu kusheegay in ay fashilmeen iyo wixii sababay in ay fashilmaan, wuxuuna Abay Sahay sooqaatay wadanka Yugoslavia oo uu kusheegay in uu lafashilmay taladii Serbia oo uu kusheegay nooc kala talisnimo ah.

Sidoo kale Abay Sahay ayaa sheegay in midowgii Soviet uu la burburay talada oo gashay gacanta koox yar iyo dhaqaalaha oo dad kooban ay intifaacsadaan, wuxuuna Abay Sahay sheegay in wadankii wadadaas qaada uu burburi doono waliba si dag dag ah.

Abay Sahay oo sidaan sheegnayba kamid ah shakhsiyaadka ugu awooda badan talada wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa iska iloobay dhaqanka kooxda TPLF ee isagu uu wax kadajiyay kaas oo kusalaysan kali talisnimo iyo dhaqaale uruursi nimo.

Aqoonyahanka iyo dadka siyaasada Itoobiya lasocda ayaa siwayn ulayaabay hadalka kasoo yeeshay Abay Sahay iyo guud ahaan shirkan caalamka lagu khaldayo ee lagu qabtay magaalada Addis Ababa, waxayna aqoonyahanku sheegayaan in aysan rayul caalamka khaldi karin kooxdu.

Sikastaba ha ahaatee kooxda TPLF ayaa noqotay Indhoole nabar dabadii ayuu gabadaa waxayna kooxdu dadka usheegta wax ay mar horaba kasii dharagsanaayeen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay