Mahad balaadhan Eebaa leh, Nabad iyo Naxariisna Rabi ha u siyaadiyo Rasuulkiisa Muxammed SCW. Sidaad la socotaan dhulka ilaahay baa fidiyay dadkana isagaa dul dajiyay isla mar ahaantaa wuxuu ukala yeelay midabyo kala duwan iyo luuqado kala duwan. Waxaa intaa dheer inuu dajiyay goobo kala duwan inkasta oo dhinaca la isku wadahayo la iskana wada warhayo.

Cid walba waxaa agteeda ugu qaalisan meesha ay ku dhalatay, balse sanooyinkan dambe waxaa caalamka ku cusub in dad badani ka haajirayaan wadamadoodii duruufo badan oo jira awgood. Waxay la halgamayaan la qabsiga wadamo cusub iyo dhaqano kala duwan. Dadka qaarkii kuma faraxsana xaaalkaas meesha qaar kale ay iska dhaadhiciyeen inay wadamadoodii ka raysteen iyagoo ku kadsoomay Guri ninkii lahaa hagaajistay, balse uu kusoo dhaweeyay, mana wanaagsana meel aad marti kutahay inaad lugaha iska fidsato!

Marka hore halgamayaal waxaa jirtay in Rasuulku SCW aad u jeclaa magaalda Makka maadaama ay ahayd meesha uu ku soo barbaaray.Waxaa la wariyay in Markay Qureeshi ka saareen magaalada uu dib usoo eegay isagoo yidhi hadal micnihiisu ahaa Baladyahow maxaa kaa wanaagsan, hadayna tolkay iga kaa saarina kaama baxeen! Waxaa kale oo uu Rasuulku SCW yidhi Alloow Madiina noo jeclasii sidaanu Makka u jecelnahay! Dabcan waa markuu hijrooday. Sidoo kale wuxuu ku yidhi Duudka Uxud oo Madadiina kulaala- Duudkani wuu na jecelyahay anaguna waanu jecelahay! waxaase xusid mudan in qaabka uu Duudku wax u jeclaado ay garanayaan Rabi iyo Rasuul oo kaliya.

WAXAAD ILA WADAAGTAAN ARAGTIDA AQOONYAHANKA CARBEED UU KU QEEXAY, WADDAN, WAXA UU MUDANYAHAY IYO WADANI

WAA MAXAY WADDAN?

Waddan wuxuu ku micneeyey Aqoonyahanka aan soo xigtay- waa meel dad ku noolyahay isla markaana uu ku barbaaro una iisho. Waddankii u horreeyey ee Aadamuhu dego wuxuu ahaa Janada oo Adam iyo Xawaa ay ku noolaayeen, Calayhim Assalaam. Hadaba halkaas lama calfanin oo waxaa loo soo raray Kowkan aynu joogno ee isku wada rakiban.

MUHIIMADDA WADANKU LEEYAHAY

Waddanku waa asaaska nololosha iyo meesha loo soo hiloobo, waa cisiga iyo karaamada insaanka, waana meesha uu ku faano. Waa meesha uu xuquuda kuleeyahay. Waa meesha uu ku fuliyo Cibaadada iyo Caadadiisa. Waa meesha uuku muujiso dhaqankiisa. waa meesha uu mar walba tabayo xataa haduu ka maqantahay ama wadan kale dagaan ku leedahay.

MUXUU WADANKU XAQ ULEEYAYHAY-

Wadanku wuxuu xaq ugu leeyahay wadaniga inu ka difaaco wax kasta oo halis ku ah, sida cadowga Dibadda ama Gudaha. Waa inuu ka ilaaliyo muqadiraadka iyo waxyaabaha liita ee kale. Waa inuu ka qeyb qaato horumarinta Wadanka, dhanka dhaqaalaha, wax soosaarka, siyaasadda iyo caafimaadkaba. Waa inuu wadanigu u shaqeeyaa si daacad ah, haduu bulshada wax barayo ama uu gacanta ku hayo adeeg dadwaynuhu leeyahay iyo amaano kale. Aqooyahanka aan soo xigtay wuxuu intaa raaciyay in madaxda la adeeco lalana shaqeeyo. Wuxuu si gaar u xusay Ruuxa mushtarka ah, Waxaana waajib ku ah inuu ka shaqeeyo sidii wadanka maciishadiisu u wanaagsanaan lahayed, kana ilaaliyo sicir bararka iyo musalafka. Aqoonyahanku wuxuu intaa sii raaciayay- waan inay dhalinyarada wadanku ku shaqeysaa mararka qaar si mutadawacnimo ah gaar ahaan arrimaha caamka ah.

Hadaan intaa ku dhaafo Aqoonyahanka carbeed iyo aragtidiisa waad ogtihiin wadanka Ogadenya layidhaaho inuu ku dhacay Gacan shisheeye iyo wax magarato oo kasii xun. Xaqiiqadu waxaa weeye inay aad u hahdileen dalka iyo dadkiisaba, laakiin nasiib wanaag akhyaartii iyo wadanigii xalaasha ahaa ayaa ka dhiidhiyayoo habeen iyo maalimba u taagan inuu ka xoreeyo.

Waddaniga reer ogadenya ee Qurbaha ku sugan waxay la kulmeen waxbadan oo qalbigoodu diido oo laga yaabo inuu ceeb ku yahay Diintooda ama Dhaqankooda. Waxay waayeen Cuntadii, Caanihii iyo Hilibkii freshka wada ahaa ee ay ku haysteen Dalkoodii hooyo. Waan hubaa inay jeclaan lahaayeen inay ku tamashleeyaan Ogadenay. Waxaan sidaa uleeyahay waad ogtihiin oo markii Qurbaha layimid in lala kulmay Hilib la buufiyay oo hadana bil qaboojiyaha kujiray, caano lakala shaxaaday, iyo khudaar iyadana la buufiyay. Hadaba waxaas oo dhani waa dani kugu qabatay markii la barbar dhigo calafka wada freshka ah ee yaala ogadenya, balse xorriyad baa kaa xigta!

Qurbajooge waxaad ku nooshahay is dhuubid iyo af dhaabaandhaw. Waxaa kale ood ku nooshahay cabsi aad ka qabto in sharci cusub lagugu soo saaro kaasoo Carro kaagaga shuba noloshii koobnayd eed haysatay. Waa su’aale meeshaad rabto maku dalxiisi kartaa adoo isku kalsoon? Geedkaad doontana ma hoos hadhsan kartaa? Arimahaas oo dhan hadaan ku tilmaamo waxaad kaheli kartaa Ogadenya, balse xorriyad ba kaa xigata!

Qurabajooge waxaad maqli jirtay markii Afrika la joogay Geel baa la dhacay, laakiin wadamada reer Galbeedka waxaa la dhacaa caruurta oo iskuul kaa laga dareersadaa! Labadii waalidna waxba uma soo hoydaan oo waxaa lagu yidhaahaa dacwooda. Waxaa kale oo la xaqiijiyay in waalidku ubadkiisa ka cabsado oo uu iska laaluusho si ayna u dacwaynin. Makaan la hadlayo Ruuxa ogadenya u dhashay waxaan leeyahay dal ogadeyna la yidhaaho ayaad leedahay oon dhibkaasi oolin, balse xorriyad baa xigta!

Qurbajooge waad la socotaa in 60 jirka wax soo mooday wadamada qalaad lagu qasbo iskuul dhigo oo haduu diido maxaa dhacaya? Lacagta caawimada ah ayaa laga jari. Waa balaayo inteeda la’ eg. Waxaan usoo jeedin lahaa hadaad u dhalatay ogadenya waxaa kula gudboon inaad qaadato mawqifkan. Meel lagugu xanaaneeyo ood xaqaaga ka helayso waa Ogadenya, balse xorriyad baa kaa xigata!
Hadaan murtida qoraalka isku soo wada uruuriyo waxaan shacabwaynaha reer ogadenya waydiin lahaa- Waligeen ma banjoog umbaynu ahaan? goormaynu Baradeena ku nasan?

Xaaji M/rashiid Aw Macalim
Qoraa madax banaan

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.