Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya dhibaatooyin kala duwan oo ciidanka gumaysigu ugaysteen dadka shacabka ah ee Soomaalida Ogadenia, dhibaatooyinkan oo isugu jira Dhac, Xidhay iyo Jidh-dil ayaa udhacay sidan.

Waxaa markii ay taariikhdu ahayd 9/6/17 Magaalooyinka Galaadi iyo Marsin oo Doollo iyo Qoraxay kakala tirsan ay ciidanka gumaysigu kula wareegeen baabuur urarayd ganacsato ree Ogadenia ah oo u kala raraa magaalooyinka Wardheer, Qabridahare iyo Goday.

Sida xogta aan kuhelay ciidamada wayaanaha iyo kuwa u adeega ayaa xabsiga dhigay ganacsatadii ay uraraayeen baabuurta lala wareegay oo 13 baabuur ahaa waxaana magacyadooda helay.
1 farax cabdiwali oo hal baabuur lahayd
2 raxma yaasiin oo hal baabuur lahayd
3 jamaal bare oo hal baabuur lahaa
4 faadumo cali oo hal baabuur lahayd.

Warkan ayaa sheegaya in markay taariikhdu ahayd 9/6/17 Dagmada Qabridahare ay ciidanka wayaanuhu ku xidheen labo muwaadin oo lagu kala magacaabo cumar cabdulaahi cali iyo maxamad axmad cabdulaahi.

Sidoo kale 10/6/17 Dig oo Dagmada Awaare katirsan waxaa xidhay iyo jidh-dil loogu gaystay
1 bashiir biixi
2 siraaje cismaan
3 ina maxamad tarabi.

Dhinaca kale 10/6/17 Dagmada Godey waxay ciidanka wayaanuhu xidhay iyo jidh-dil ugu gaysteen gabadh lagu magacaabo Faadumo Axmad Maxamad.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay