Shir lagaga hadlayey howla halganka  iyo sida sanadkan cusub howlaha horyaala ay u fulin lahayen farca ileys oo ka mid ah faracyada hoos yimaada jaaliyada  balaadhan ee JOKA ayaa  shirkan ku go’aansatay qorsho sanadeedka u yaala.

Gudomiyaha faraca ileys ee Easter London Maxamud sheikh oo ka jeediyey warbixin badan oo ka xaaladaha halganka uu ku sugan yahay gudaha Ogadenia iyo dibadaba.

Waxay kaloo faraca ileys ansixiyen shirwayne ay u qabanayaan shacabka Somaliyed ee ku nool magalada Easter London iyo nawaxigeda. Shirkaas ayaa ka dhici doona magaaladan 29/1/2012 shirkaasoo ay ka soo qayba gali doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaliyeed sida culamada diinta, cuqaasha, aqoonyanada, siyasiyinta iyo ardayda wax ka barata jamacadaha Eastern London iyo bulshada inteeda kale.

Shirka ay xubnaha isugu yimaadeen oo qaatay muda dheer falanqayn badana laga soo jeediyey iyo siduu xubin walba u hormarin lahaa kaalinta kaga aadan halganka ka socda Ogadenya, taasoo ka dhalatay in la’isku waafaqay inuu xubin waliba howlaha halganka kaga aadan sii laba jibaaro.

Daba yaaqadii shirka ayuu gudoomiyaha faraca wuxuu u soo gudbiyay hanbalayo shaqa wanaag ah jaaliyada dalka Sweden oo ku guulaystay banaabxa cadawga  wadanaha gooyey todobaadkan.

Shirka maamulaka faraca Eastern London ayaa ku soo gaba gaboobey guul iyo isafgarad

ONA/ST LONDON  KOONFUR AFRICA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay