Jaaliyada Ogadenia ee kadhisan deegaanka Kalobie ee Count-ga Turkaana ee Galbeedka Kenya ayaa kaqayb gashay barnaamij Hidaha iyo Dhaqanka ah oo loo qabtay qoomiyadaha kala duwan ee dagan deegaanadaas.

Tartanka Hidaha iyo Dhaqanka ee looqabtay qoomiyadaha kala duwan ee qoxootiga ku ah wadanka Kenya waxaa jaaliyada Ogadenia uga qayb galay koox faneeda Liibaan oo ah koox si wanaagsan uga dhisan dhinaca dhaqanka Soomaalida Ogadenia.

Tartankan oo ay kaqayb galeen in kabadan 10 qoomiyadood oo kuwada sugan deegaanada Kalobie waxaa kaalinta 1aad galay kooxda Liibaan ee ku ciyaaraysay magaca Jaaliyada Ogadenia, waxayna kooxdu tartanka kaga qayb gashay ciyaaraha kala duwan ee laga ciyaaro dhulka Soomaalida Ogadenia iyo waliba riwaayad lajaan qaadaysay wacyiga lagu jiro.

Tartankan oo ay qabteen hay’adaha kahowl gala Count-ga Turkana ee galbeedka Kenya ayaa kooxda Liibaan lagudoon siiyay abaal marino kala duwan oo ay lacag cadiin ah kujirto waxaana loo aqoonsaday kooxda ugu ciyaarta wanaagsan deegaanada Kalobie oo ay kusugan yihiin qoomiyado toban iyo dhowr ah.

Sidoo kale waxaa kaalinta 2aad ee tartanka galay koox ku ciyaaraysay magaca qoomiyada Gambeella oo iyaguna kamid ah qoomiyadaha kasoo qaxay xukunka kalitaliska ah ee kajira wadanka gumaysiga Itoobiya.

Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee kadhisan Count-ga Turkana ee Galbeedka Kenya ayaa soodhawaysay kaalinta ay kooxda Liibaan gashay iyo guusha ay kasoo hoyisay tartankii ay lagaleen dadyowga kala duwan ee kusugan Count ga.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay