Donald Trump, Madaxweynaha Maraykanka ayaa u sheegay taageerayaashiisa in darbiga uu qorsheeyay in laga dhiso xadka Mexico laga yaabo in lagu xidho qalab korontada ka dhaliya tamarta qorraxda.

Isagoo hadal ka jeedinaya fagaare ku yaalla Gobolka Iowa ayuu sheegay in qalabkaasi dhalin doonaan koronto qiimaheedu jabanyahay isla markaana marka la iibiyo laga heli doono kharashka lagu dhisay darbiga muranka badan dhaliyay ee u dhexeeya Maraykanka iyo Mexico.

Wuxuu sheegay in qorshuhu yahay mid uu isagu hindisay wuxuuna yidhi isagoo arinkan ka hadlaya “waa hindise aad u fiican, soo ma aha? Hagaag? Fikradda anaa leh”. Haseyeeshee qalabkan korontada ka dhalinaya qorraxda waxaa mar hore lagu daray naqshadaha ay soo gudbiyeen shirkadaha doonaya in ay u tartamaan qandaraaska dhismaha darbigan.

Intii uu ku jiray ol’olihii doorashada ayaa Trump wuxuu balan qaaday in uu darbi ka dhisi doono xadka  Mexico si loo joojiyo soo galootiga sharci darrada ah iyo dadka sharci darrada ku soo galiya maan dooriyaha ama daroogada. Waxaa kale oo uu ku adkaystay in uu Mexico ku qasbi doono in ay bixiso kharashka darbiga ladhisayo laakiin Madaxweyne Enrique Penea Nieto ayaa fikraddaa ku gacansaydhay.

In ka badan 200 oo shirkadood ayaa sida la sheegay soo codsaday qandaraas ay naadisay Wakaaladda Nabadgelyada Qaranka oo soo gudbiyey nashqadaha gidaarka ay dhisayaan. Waxaa ka mid ah shirkad laga leeyahay Las Vegas oo la yidhaa Gleason Partners oo qorshaheedu ay ka mid yihiin in ladhiso darbi ka samaysan xadiid, sibidh oo qalabka korontada tamarta qoraxda ka dhaliya lagu rakibo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay