Masjidkii caanka ahaa ee Al-Nuri iyo minaaraddiisii dhinaca u janjeedhay ee al-Hadba ee magaalada Muusil ee dalka Ciraaq, ayaan hadda kadib jiri doonin, kadib markii ay burburisay kooxda Daacish.

Masuul ka tirsan ciidanka milatariga dalka Ciraaq ayaa sheegay in ciidamada Ciraaq ay 50 miter u jireen masjidka markii kooxda Daacish ay burburiyeen arbacadii lasoo dhaafay.

Wakaaladda wararka Daacish ee Amaq ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay war kaas ka duwan, oo ah in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay burburiyeen masjidka. Saraakiisha Mareykanka iyo xulafadooda ayaa durba diiday sheegashada kooxda Daacish.

Masjidkan oo loo yaqaan Masjidka Wayn ee Muusil ayaa dhisnaa in ka badan 800 oo sano, waxaana uu ahaa masjidkii uu khudbadda ka jeediyay hoggaamiyaha daacish Abu Bakr Al-Baghdadi, sanaddii 2014.

Burburinta masjidka ayaa timid ayada oo ciidamada Ciraaq oo taageero ka helaya isbaheysiga ay maalintii 4aad wadaan howlgal ka socda dagmada qadiimiga ah ee magaalada Muusil, oo ah halka ugu dambaysa ee Daacish ay ka maamusho magaalada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay