Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Borane ee dhulka Oromia ayaa sheegaya maxaabiis aad ubadan oo kooxda TPLF u xidh xidhnaa oo lasoo taagay maxkamad kusheeg kutaalada Gobolka Borane.

Sida xogta aan kuhelayno ciidamada wayaanaha ayaa 86 qof oo udhashay qoomiyada Oromada oo mudo uxidhnaa kooxda TPLF sootaagay goob maxkamad kusheeg ah oo ay leeyihiin ciidamada gumaysigu.

Dadkan oo ahaa shacabkii deegaanka ayaa lasheegayaa in ay ciidanka wayaanuhu soo qaqabteen xili ay socdeen dibad baxyo lagu diidan yahay xukunka madhalayska ah ee kooxda TPLF, waxaana lasheegayaa in dadkan mudo lagu soo jidh dilayay xabsiyada Gobolka Borane.

Ciidamada wayaanaha ayaa lasheegayaa in ay makhraati ahaan ukeeneen xubno katirsan Booliiska wayaanaha iyo xubno katirsan baarlamaan kusheega Itoobiya oo deegaanadaas udhashay kuwaas oo sida lasheegayo maxaabiista ku makhraati furay in ay kujireen fal dambiyeedyo dowlada wayaanaha kadhan ah.

Xaakim kusheegii maxkamada joogay ayaa dadkan si naxariis daro ah u xukumay wuxuuna kuriday xukuno u dhaxeeya 3 sano ilaa 13 sano oo xadhig ah oo aan cafis iyo cudhaadh toona lahayn.

Hay’adaha xukuuqul insaanka ayaa cambaareeyay xukunka xaqdarada ah ee kudhacay dadka shacabka ah ee iyagoo xaqooda raadinayay lasoo qaqabtay isla markaana loo gaystay jidh dilka aad uba’an.

Ma aha markii ugu horaysay ee dad lagu xukumo si xaqdaro ah waxaana xabsiyada taliska wayaanaha kabuuxa siyaasiyiin, suxufiyiin, ganacsato, waxgarad iyo dad shacab ah oo xukun xaqdaro ah uu kudhacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay