Warbixin ay soosaartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in 6 qaybood oo kamid ah wadanka Itoobiya looyaqaanay ay kajirto cuno yari iyo waxsoosaar la’aan ay sababtay abaarta kajirta wadanka Itoobiya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Gobolada Oromia, Axmaarada, Canfarta, Gambeella, Shucuubta Koonfureed iyo waanka Ogadenia ay abaartu kuyeelatay saamayn wayn, waxaana dhamaan Goboladaas meesha kabaxay wax soosaarkii gudaha laga soosaari jiray.

Warbixinta kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Gobolka Shucuubta Koonfureed uu baaba’ay dhulka kabadan 145 higter oo labeeran jiray kuwaas oo aan laga sugaynin wax soosaarkii kadib markuu kudhashay cudur baabi’iyay wax soosaarkii.

Guud ahaan wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa laga baqayaa in ay macaluul kadilaacdo kadib abaaro dad iyo duunyaba saameeyay wadanka mudo sanad kabadan kajiray, abaartaas oo aan cid wax kaqabatay la arag mudadii ay jirtay.

Dhinaca kale waxaa wadanka kajira cudurka daacuunka oo galaaftay nolodha dad badan oo aan helin wax gargaar caafimaad ah, wuxuuna cudurku wadanka Ogadenia oo kaliya kudilay dhowr kun oo shacab ah halka uu sooritay kumanaan kale oo diiftiisii ay kasii muuqato.

Abaaraha iyo cudurada wadanka kuhabsaday ayaa isugu jira kuwo dabiici ah oo wax wax kaqabta lawaayay iyo kuwo uu taliska wayaanuhu gacantiisa kukeenay kadib boobka hantida shacabka oo wadanka caadi kanoqday iyo musuqa oo kataaba galay.

Cudurka ayaa kusii fidaya qaybo badan oo wadanka ah wuxuuna habeen hore 4 qof oo shacab ah kudilay magaalada Dirdhabe, halka lasoo sheegayo kiisas kale oo cudurka ah oo meelo kale kajira.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay