Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay meel xun marayso xaalada amni ee Gobolku kadib kala shakigii iyo wada shaqayn la’aantii oo cirka isku shareertay.

Warka ayaa intaas kudaraya in ay badatay is khaarajintii iyo kala ol oolaysigii dhinacyada siyaada ee Gobolka Axmaaradu, kadib habacsanaanta kajirta taliska guud ee wayaanaha iyo khalkhalka siyaasadeed ee wadanka soo food saaray.

Iyadoo ay bilihii iyo baryihii udambeeyayba Gobolka Axmaarada kajireen dilal loogaysanayo saraakiisha maamulka wayaanaha ee Gobolka ayaa maalin nimadii shalay laweeraray taliyaha Amniga ee magaalada Bahardar halkaas oo sida lasheegayo lagu dilay mid kamid ah ilaaladii taliyaha qaar kale oo ilaaladiisa kamid ahna ladhaawacay.

Warka ayaa intaas kudaraya in uu taliye kusheegu cagihiisa kubaxsaday kadib markay dablaydu labeegsadeen rasaas ay ugu tala galeen in ay kudilaan, waxaana lasheegayaa in uu sigtay balse uu baxsaday.

Xisbigi kusheegay ANDM ee sheegta in uu matalo qoomiyada Axmaarada ee Tigreegu ay ku adeegtaan ayaa lasheegayaa in uu qayb wayn kayahay dilalka qorshaysan ee Gobolka Axmaarada kajira kadib markuu xidbigu lakala saftay dhinacyada siyaada isku haya.

Garab kamid ah ANDM ayaa lasheegayaa in ay kaxadhig furteen kooxdii ay u adeegi jireen ee TPLF waxaana lasheegayaa in ay garteen danta shacabkooda, halka garab kalana ay wali ku gowracan yihiin kooxdii samaysatay ee TPLF.

Kala jabka xisbiga ANDM ayaa qoomiyada Axmaarada iyo jabhada Gimbot 7 unoqotay fursad ay kufushadaan danahooda isla markaanay ku dilaan ciday doonaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay