27 sano oo uu xabsi ku jirey kaddib, ayaa Mandela loo doortay inuu noqdo madaxweynihii u horeeyey dalka K/Afrika ee si xor ah loo soo doorto. Xukuumadii uu soo dhisay ayaa noqotay tii ugu horeysey ee kadhigta K/Afrika meel ay u simanyihiin ama isku xaq yihiin dadka kala midabka ah ee u dhashay dalkaas. Kumana uusan dhaqaaqin wax aargoosi ahoo uu u geystey xubnihii ka tirsanaa xukuumadii xabsiga ku haysey 27ka sano.

Dhaq-dhaqaaqii Mandela iyo xabsigii lagu riday

18kii July 1918 ayuu Nelson Rolihlahla Mandela ku dhashay meesha lagu magcaabo Qunu, oo u dhow tuulada Umtata/Transkei. Abihiiis, Henry Mgadla Mandela, wuxuu ahaa hoggaamiyaha degaanka Thembuland [chief councillor]. Markuu dhintayna waxaa derejadaas loo caleemasaaray Mandela. Waqtigaas Mandela wuxuu ku hamiyay in uu noqdo qareen [Layer].

Mandela waxaa laqoray Healdton Methodist Boarding School, kadibna wuxuu shahaadada BA degree ka bilaabay Fort Hare. Waqtigaas [1940] oo uu katirsanaa ururka SRC wuxuu ka qaybgalay mudaharaad ardaydu dhigeen, sababteeda ayaana looga eryey waxbarashadii. Dadkii waqtigaas lala cayriyey waxaa kamid ahaa Oliver Tambo. Kadib wuxuu Mandela waxbarashadii ku dhamaystirtay qaabka loo yaqaan “correspondence” ee Johannesburg, wuxuu isu diiwan geliyey LLB ee jaamacada lagu magcaabo “University of the Witwatersrand”.

1944  Mandela waxa uu ka qayb qaatay asaaskii ururka dhallinyarada ee ANC ee lagu magcaabo ANC Youth League. Ururkaas oo markii dambe qaab-siyaadkiisa ay ANC dijisey sannadkii 1949.

1952 waxaa Mandela loo doortay hoggaamiyaha Ololihii lamagac,baxay “Ololihii Kumadax adayga” ee lagaga soo horjeedey kala faquuqa dadka xagga sharciga. Wuxuuna waqtigaas u safray meelo kala duwan oo K/Afrika ah suu u abaabulo ololahaas. Waxaa lagu xakumay in la joojiyo ololahaas, waxyar ka dibna waaba la mamnuucay, waxaana Mandela lagu ganaaxay in uusan ka bix ikarin Johannesburg. Waqtigaas wuxuu Mandela abuubuley “Qorshihii la magac baxay [M – Plan], kaasoo faracyadii ANC-da loo kala jejebiyey unugyo qorsoodi ah oo si qarsoodi ah u hawlgala.

Isla sannadkii 1952 ayaa Mandela iyo Tambo waxay K/Afrika ka fureen xarun sharciga oo ahayd tii ugu horeysey ee wadanka  ay yeeshaan dadka madow. Waqtigaas Mandela wuxuu ahaa madaxweyne ku-xigeenka ANC oo heer qaran ah iyo madaxweynaha Transvaal ee isla ururkaas ANC.

Codsi wadajira oo ay qoreen ama saxiixeen qaybta qareenada ee loo yaqaanay “Transvaal Law Society” oo ahaa in habka qareenimda laga xayuubiyo Mandela ayaa waxaa diidey maxkamada sare K/Afrika [Supreme Court].

Sannadihii 50-maadkii qaybtiisii dambe waxaa Mandela lagusoo oogey dacwad ah “Khiyaamo Qaran”. Isaga ayaana ahaa waqtigaas qareenka is-difaacaya.

1960kii ayaa ANC la mamnuucay kaddib xasuuqii Sharpeville. Waxaana Mandela la xiray 1961 kadib markii uu dhuumaalaysi galay suu u abuulo shirweyne qaran. Isla sannadkaas waxaa asaasmay ururka “Umkhonto we Sizwe (MK)” oo ah garabka ciidan ee ANC. Waxay bilaabeen curyaamin hawlaha dawlada iyo dhaqaalaha ah taasoo uu, Mandela hogaamiye ka ahaa.

1962 ayuu Mandela u ambabaxay dalka Algeria si uu u soo qaato tababar xagga Milleteriga ah iyo inuu soo agaasimo tababar ay qaataan xubnaha kalee MK. Markii uu dalka kusoo laabtay ayaa la xidhay iyadoo lagu soo eedeeyey in uu wadanka si sharci darro ah uga baxay iyo in uu dhiirigeliyey mudaharaad, taasoo isagu isu noqday qareenka is-difaacaya. Waxaana bishii November 1962 lagu xukumay shansano oo xadhig ah. Intii uu xabsiga ku jirey ayaa lagu soo oogey xukunkii lamagac baxay “Rivonia trial” kaas oo lagusoo eedeeyey curyaamin ama kharibaad qaran, waxaana lagu xukumay xabsi daa’im ama madaxaagu ha-ku-furto.

Mandela waxaa lagu xidhay xabsiga aadka loo ilaaliyo ee ku yaal jasiirada yar ee  Robben, xabsigaa oo loo yaqaan “Robben Island Prison”. Waa jasiirad yar oo 7Km gudaha ugu jirta badda u dhow magaalada Cape Town. Bishii April 1984 waxaa Mandela loo bedeley xabsiga loo yaqaan “Pollsmoor Prison” oo ku yaal Cape Town. Bishii December 1988 ayaa  loo wareejiyey xabsiga “Victor Verster Prison” oo u dhow Paarl taas oo ahayd meeshii uu ugu dambayntii kagasoo baxay xabsiga.

27kaa sano ee uu xidhnaa, Mandela, wuxuu xabsiga u noqday goob waxbarasho taasoo uu isagu abaabuli jirey in ay maxaabiistu waxbartaan, lamana soo sheegin in uu marna ka tanaasuley mowqifkiisii iyada oo xataa loo soo bandhigay in la cafin doono.

Sanadihii toddobaatanaadkii wuxuu diidey aqbalaada Transkei, sanadihii 80maadkiina wuxuu diidey soo jeedintii PW Botha ee ahayd in xoriyad la siinayo hadii uu joojiyo “rabshadaha” .

Qaybta 2aad ayaan kaga bogan doonaa sii dayntii Mandela iyo wixii ka dambeeyay.

Omar  jigjiga ONA/SA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay