Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Dinbiya ee Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay weerar kuqaaday taliyihii ciidanka sirdoonka ee magaalada Dinbiya.

Sida xogta aan kuhelay taliye kusheega ciidanka sirdoonka ee laweeraray ayaa daganaa xaafada 1aad ee magaalada Qoladiba ee Dagmada Dinbiya, halkaas oo sida lasheegay uu kudaganaa qaab shacab ahaan ah.

Sargaalkan sirdoonka wayaanaha katirsanaa oo lagu magacaabo Girmay Gabre Maskel ayaa isaga iyo 3 wiil oo uu dhalay ay kashaqaynayeen ka ganacsiga bunka, malabka iyo badeecdo kale isagoo isu ekaysiiyay qof shacab ah oo deegaanka kaganacsanaya.

Dadka deegaanka oo baadhitaan dheer kusameeyay Girmay Gabre Maskel iyo wiilashiisa ayaa ogaaday in uu yahay qofka kadambeeyay dad badan oo deegaanka ah oo qaarna ladilay qaarna xabsiyo dhaadheer laguriday, waxaana cadaatay in uu Girmay yahay sargaal sare oo ciidanka sirdoonka wayaanaha katirsan.

Rag hubaysan ayaa lasheegayaa in ay weerar kuqaadeen guriga Girmay halkaas oo dablaydu ay gurigii dab qabadsiiyeen kadib markay baxsadeen Girmay iyo wiilashiisiiba, waxaana lasheegayaa in guriga ay kugubatay hanti aad ubadan oo Girmay uu dadka ka uruuriyay.

Dhinaca kale ciidanka gumaysiga ee deegaanka Dinbiya ayaa afduubay 2 nin oo walaalo ah oo shacab ah kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay taageerayaal uyihiin Jabhada Gimbot 7 ee dhulka Axmaarada kadagaalanta.

Warka ayaa intaas kudaraya in ciidanka Jabhada Gimbot 7 ay kawar heleen ciidanka gumaysiga oo labada nin usii wada goobta ay kutoogan lahaayeen waxaana kuqaadeen weerar balaadhan halkaas oo ay kasoo furteen ragii maxaabiista ahaa.

Sikastaba ha ahaatee saraakiisha ciidamada gumaysiga ayaa kunoolaan la dhulka Axmaarada waxaana bilihii ugu dambeeyay saraakiisha lala beegsanayay ugaadhsi aad ubaaxad wayn, waxaana weeraro lagu qaaday lagu dilay saraakiil aad ubadan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay