Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Oromia ayaa sheegaya khilaaf soo kala dhex galay ganacsadaha ree Nigeria ee caanka ah Aliko Dangote iyo xukuumada wayaanaha ee ka arimisa wadanka gumaysiga Itoobiya.

Khilaafkan ayaa yimid kadib markii taliska wayaanuhu uu ganacsadaha amar kusiiyay in uu bixiyo laaluush uu siinayo dhalinta shaqo la’aanta ah ee ree Oromia, kuwaas oo sida lasheegay kusugnaa deegaano uu hanti kuleeyahay Aliko Dangote.

Maalqabeenkan oo u dhashay wadanka Nigeria ayaa kugacan saydhay dalabkii xukuumada wayaanaha wuxuuna usheegay in hantidiisa uusan kubixin doonin laaluush iyo wado sharci daro ah isagoo taliska wayaanaha horaan usiiyay lacago badan oo ay kuheshiiyeen iyo kuwo laga musuq maasuqayba.

Aliko Dangote oo ah shakhsiga ugu taajirsan guud ahaan qaarada Africa ayaa ku hanjabay in uu xidhi doono warshada uu kuleeyahay dhulka Oromia oo ay kashaqeeyaan shaqaale gaadhaya 1500 oo qof, taas oo dhibaato kunoqon karta maamulka wayaanaha iyo dadka deegaankaba.

Warshadan ayaa lasheegayaa in uu maalqabeenku galiyay aduun dhan 700 oo malyun oo Doller, waxayna warshadu waxbadan kabadashay dhaqaalihii Gobolka iyadoo ay kashaqeeyaan dad aad ubadan oo deegaanka ah isla markaana uu dhaqaale kasoo galo taliska wayaanaha.

Hanjabaada Aliko Dangote ayaa imaanaysa xili uu wadanka gumaysiga Itoobiya kajiro isku dhexyaac dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo maaro loo la’yahay, waxaana haduu hanjabaadan kaga dhabeeyo taliska wayaanaha ka hor imandoonta aqabad aad uwayn.

Dhinaca kale ganacsigii wadanka Itoobiya ayaa isugu tagay gacabta kooxda TPLF waana arinta khalkhalka galisay dhaqaalihii wadanka iyo guud ahaan amaanka wadanka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay