Wakhtiga Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya oo Lashaaciyay.
Guddiga Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku go’aamiyeen xiliga uu furmayo Kalfadhiga 2aad ee Golaha barlamaanka, kaasi oo loo mudeeyay 8da bisha July ee soo soo socota.
Kulankaan oo uu shir guddoominayey ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaana looga hadlay ajandeyaal dhowr ah oo ay ugu horeyso mudeynta xiliga uu furmayo Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka maadaama ay Mudaneyaasha hada ku maqan yihiin fasaxooda Dastuuriga ah.
Dhinaca kale Guddiga Joogtada ah waxa ay kulankooda uga hadleen howlaha horyaala Golaha iyo sida ay ukala muhiimsan yihiin waxaana howlahaasi ka mid ah ammaanka, dib u eegista miisaaniyadda, guda gelidda dhameystirka Dastuurka, dhameystirka sharciyadii ka yimid Baarlamaankii 9aad iyo qodobo kale.
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.