Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo kamid ah madaxda ka qeybgashay  Shirka Isgarab-taagga Uganda ee Qaxootiga, ayaa ku baaqay in qaxootiga Soomaaliyeed la siiyo fursado ay uga shaqeysan karaan dalalka ay martida u yihiin si ay noloshooda u hormariyaan.

Madaxweynaha ayaa tusaale usoo qaatay sharciyada horumarsan ee ay dowladda Uganda u dejisay qaxootiga, kaas oo siiyay qaxootiga Soomaaliyeed fursado ay kula falgeli karaan dadka ay martida u yihiin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in horumarka ay ku tallaabsadeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan ay muujineyso soo dhaweynta iyo martigelinta wanaagsan ee ay kala kulmeen dadka reer Uganda.

Uganda ayaa haatan martigelisa qaxootiga ugu badan qaaradda Afrika oo tiro ahaan ku dhaw hal milyan. Qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha dalkan ku jira ayaa iyagana lagu qiyaasaa in ay ku dhawyihiin 50 kun, kuwaas oo intooda badan ku nool xeryo qaxooti oo ku yaalla Galbeedka dalkan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka oo shalay booqday xerada qaxootiga ee Nakivale, si ay ugu kuur galaan nolosha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeradaas.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay