Saudi Arabia iyo dalalka kale ee gacanka Khaliijka ee Qadar xidhiidhka ugu jaray tuhunada ku saabsan inay taageerto argagixisada, ayaa soo bandhigay liis ay ku qoran yihiin shuruud ay doonayaan in la fuliyo si cunaqabataynta looga qaado wadanka Qadar.

Dowladda Kuwait oo dhexdhexaadineysa dalalkan ayaa dalka Qatar u gudbisay liiska shuruuda, waxaana ku jira in Qatar ay xidhiidhka u jarto dalka Iran, islamarkaana gebi ahaan xidho taleefishinka caanka ah ee Al-jazeera iyo dhammaan taleefishinada kale ee hoos yimaada.

Dalabyada ayaa waxaa sidoo kale ay Qatar ugu baaqayaan “inay xidhiidhka u jarto dhammaan ururada argagixisada ah ”, gaar ahaan kooxaha Ikhwaanul Muslimiin, Daacish, Al-Qacida iyo kooxda Xisbullah ee dalka Lebanon.

Xulufada Sacuudiga ayaa sidoo kale doonaya in Qatar “ay si deg deg ah usoo afjarto joogitaanka milatariga ee dalka Turkiga, iyo xidhiidhka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya Turkiga iyo dalka Qadar”.

Dalalkan kala ah Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa dhinaca kale dalbanaya in Qatar ay usoo gacan geliso “shaqsiyaadka argagixisada ah” iyo shaqsiyaadka kale ee dalalkooda laga doonayo kuwaas oo ay sheegeen inay gabaad ka dhiganayaan dalka Qadar.

Dalalka Carbeed ayaa Qatar siiyey inay toban maalmood gudahood ku ogolaato dalabyada, ayaga oo aan wax tusmo ah ka bixinin waxa dhici doona, haddii aysan Qatar ogolaanin shuruudan ay hor dhigeen dalka Qadar.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay