Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in khal khalkii abid ugu badnaa uu todobaadkan kabilowday gudaha magaalada Addis Ababa iyo deegaanada kuxeeran.

Sida xogta aan kuhelayno taliska wayaanaha oo adeegsanaya kuwa uu ku adeegto ayaa raaf balaadhan kabilaabay magaalada Addis Ababa iyo deegaanada kuxeeran waxayna ciidanka wayaanuhu si aan kala sooc lahayn dadwaynaha ugu daabulayaan baabuurtooda iyagoo gaynaya xeryaha ciidamada wayaanaha.

Sidoo kale ciidanka gumaysiga ayaa burburinaya dhamaan goobihii ganacsatada yar yar ee magaalada waxaana sidoo kale xabsiga loo dhaadhicinayaa shakhsiyaadkii shacabka ahaa ee ganacsigaas lahaa.

Taliska wayaanaha ayaa arintan kusababeeyay amniga oo ay xaqiijinayaan iyo shir kadhici doona xarunta midowga Africa oo Addis Ababa ah, waana sababta sida uu sheegay ay xabsiyada udhigeen kumanaanka shacabka ah ganacsiyada badana ay u burburiyeen.

Dadka udhuun duleela arimaha siyaasada Itoobiya ayaa sheegaya in ay arintu sidaas kaduwantahay oo dadkan laraafayo inta badan laga doonayo in laciidameeyo gaar ahaan kuwa dhalinyarada ah.

Taliska wayaanaha oo khaati kataagan siiwaditaanka talada wadanka ayaa bilihii iyo baryihii ugu dambeeyayba kusoo jiray khal khal siyaasadeed, iyagoo kabaqaya in si sahlan looga wareejiyo talada wadanka.

Xukuumada wayaanaha ayaa sanadihii ugu dambeeyay mashquul ku ahayd Gobolada Axmaarada iyo Oromada, waxayna xukuumadu mudadaas uwayday wax xal siyaasadeed ah iyo xal mulatari toona.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay