Ciidamada Ethiopia ayaa baryahan danbe waxay wadeen olole ay ku qaadeen dadka reer guuraaga ah.  Ololahan oo looga danlahaa in lagu barakiciyo dad hor leh   ayaa lagu bartilmaameedsanayey  dad  dagan goobaha miyiga  ah.

Meesha lagu magacaabo  la jiidayaalka oo ka tirsan degmada wardheer  ayaa 18/01/2012 waxa ay ciidamada wayaanuhu dab qabadsiiyeen in ka badan labaatan{20} guri  kuwaas oo dhamaantood aan waxba ka bixin , oo isku basbeelay ,dhibaatadan joogatada ah ee lagu hayo shacabka  ogaadeenya  oo ah mid la rabo in dadka ogaagdeenya ku nuglaadaan.

Fulinta go’aamada cadawga  ayaanay habayaraatee aduunyadu waxba kala socon Karin maadaama aanay jirin saxaafad   kasoo waranta  oo madaxbanaan kasakow ONA.

 

Hadaba qaar ka mid ah dhibanayaasha magacyadooda  ayaa waxay kala yihiin

MAXAMUUD  MAXAMED  QALAN  { DACAY}

CULUUN CABDULAAHI BARRE 

XASAN MAXAMED IIDOOR

MUXYADIIN MAXAMED IIDOOR.

ONA

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay