Sida ay ilo wareedyo kala duwan sheegayaan waxaa guud ahaan dhulka ay kooxda TPLF maamusho ee Itoobiya looyaqaano faro ba’an kuhaya cudurka dilaaga ah ee daacuun caloolaha, kaas oo sida lasheegayo hadaba kajira deegaano aad ubadan.

Dhinaca kale kooxda ay dhagartu kabuuxdo ee TPLF ayaa si wayn uqarinaysa cudurkan kuhabsaday shacabka ay gumaystaan, iyagoo goobo badana kasheegay in cudurkaasu uusan kajirin wadanka Itoobiya.

Sida aan lawada soconayba cudurka daacuun caloolaha ayaa wadanka Ogadenia kudilay 7000 oo qof oo daryeel iyo dawo la’aan udhintay halka tiro intaas kabadana ay uu cudurku sooritay, iyadoo mar arintan wax laga waydiiyay wasiirka caafimaadka ee Itoobiya uu kusheegay war aan sal lahayn oo dacaayad ah.

Sidoo kale cudurkan ayaa Gobolka Axmaarada kudilay in kabadan 750 qof oo shacab ah halka ay ujiifaan dad aad ubadan oo aan helin wax daryeel caafimaad ah oo ay kula tacaalaan cudurka dilaaga ah ee ku habsaday.

Cudurkan ayaa lasheegayaa in uu hada faro ba’an kuhayo magaalada Dirdabe iyo deegaanka Wajaale ee wadanka Ogadenia halkaas oo sida lasheegayo uu sooritay dad aad ubadan oo aan haysanin wax daryeel caafimaad ah.

Kooxda TPLF ee sicir bararka siyaasadeed uu saameeyay ayaa lasheegayaa in aysan dadkan uhaynin dhaqaale ay kudaweeyaan iyadoo dhaqaalihii wadanka ay jeebka kukala shubteen saraakiisha ugu saraysa kooxda TPLF.

Shirkada Tareenada ee Itoobiya oo uu taabtay dhaqaale xumada wadanka ayaa sheegtay in ay musalaftay isla markaana aysan haysanin dhaqaale ay qalab kaga soo iibsadaan dibada taas oo soodadajin doonta kicitaanka shirkada uu gumaysigu leeyahay ee Tareenada.

Sikastaba ha ahaatee kooxda isha sii libdhaysa leh ee TPLF ayaa iyadoon haynin tabar ay wax kuqabtaan inkira dhibaatooyinka wadanka kajira.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay